logo
 


 
 
         
Meles oo qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika
Addis Ababa, 23-Jul-2010 - Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha qaaradda Afrika, Johnnie Carson, oo booqasho shaqo ku maraya dalkan Itoobiya.

Meles iyo Johnnie ayaa ka wada-hadlay xidhiidhka sii xoogeysanaya ee dalalka Mareykanka iyo Itoobiya, iyo arrimaha xasaasiga ah ee ka taagan guud ahaan gobolka.

Labada dhinac ayaa ka dooday xaaladda cakiran ee dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Soomaaliya, iyo doorka ay bulshada caalamku ka cayaari karto sidii loo xoojin lahaa dowladda KMG ah iyo ciidanka nabad illaalinta ee AMISON.

Waxaa kale oo ay labada dhinac isla gorfeeyeen sidii sare loogu qaadi lahaa dadaalka lagu xaqiijinayo geedi socodka nabadda ee dalka Sudan.

Johnnie ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Itoobiya ka faa'iideysaneyso barnaamijyada gargaarka aadanimo, damaanadda cuntada, caafimaadka iyo isbadalka cimilada.

Sida uu sheegay Johnnie, weerarkii argagixiso ee ay kooxda al-Shabaab dhawaan ku qaaday magaallada Kampala ee dalka Uganda ayaa muujiyey inay kooxdan qatar ku tahay gobolka, isagoo intaa raaciyey, inay tahay in la xoojiyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, si ay uga hortagto falalka noocan oo kale ah ee qarbudaada ah.

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010