logo
 


 
 
         
Faallo: Arrinta Nile oo haddaanan xal degdeg ah loo helin saameyn weyn ku yeelaneysa deegaanka Soomaalida
Addis Ababa, 23-Jul-2010 - Tan iyo markii dalalka uu maro Wabiga Nile ay ku kala dareereen shirkii magaallada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, waxaa isa soo tarayey muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Masar, oo isticmaasha biyaha ugu badan Nile, iyo Itoobiya oo hogaamineysay dalalka shirkaas isaga baxay.

Intii uu socday shirka Sharm El-Sheikh, ayey dalalka ay Itoobiya hogaamineysay, oo kala ah Burundi, DR. Congo, Kenya, Uganda, Rwanda iyo Tanzania, waxey si wadajir ah u soo jeediyeen in la saxiixo nimaadka Hashiiska Qaab Iskaashiga, oo afka qalaad loo soo gaabiyo CFA, taasoo ay Masar iyo Sudan si buuxda ugu gacan-seydheen.

Itoobiya ayaa iyadu ballanqaaday in la saxiixi doono nidaamka CFA, taasoo suurogashay bartanka bishii May 2010, kadib markii ay qalinka ku duugeen dalalka Itoobiya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda. Dowladda Masar ayaa taas kaga jawaabtay hanjabaad, iyadoo sheegtay dhaqan-galinta hashiiskaas inuu dhali doono cawaaqib xumo laga shallaayo.

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka ee Tanzania, Mark Mwandosya, oo ka jawaabayey hanjabaadda Masar ayaa yiri, "Masar intay kasoo kacdo Qaahira ma duqeyn karto Rwanda, Burundi iyo Tanzania. Reerkeeda ayey ka tirsan-yihiin. Wixii aynu ku kala gadisannahay waxaan markasto ku xalin karnaa si nabad ah."

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Masar, Maxamed Allam, ayaa hadalka uu sheegay Mark Mwandosya, iyo mid kaas ka horeyey oo kasoo yeeray wasiirka Biyaha Itoobiya, Asfaw Dingamo, oo ahaa inaanan marnaba dib loogu noqoneynin hashiiskan, kaga jawaabay, "Masar waxey xaq u leedahay inay sameyso wax-kasta oo ay u aragto inay ku habboon tahay sidii ay u difaaci laheyd qeybteeda [biyaha Nile]."

Hashiiskii Masar iyo Ingriiska

Sida uu dhigayo hashiiskii 7 May 1959 ay Qaahira ku wada saxiixeen safiirkii Ingriiska u joogay Masar iyo Ra'isulwasaarihii Masar ee xiligaa, waxaa biyaha Wabiga Nile looga danbeynayaa dalka Masar. Hashiiskan wuxuu dhamaan dalalka uu maro Wabiga Nile ku qasbayaa inay fasax weydiistaan dalka Masar markasta oo ay u baahdaan inay dhistaan biyo xidheen, noocuu doono ha noqdee, mid waraab ama mid koronto laga dhalinayo.

Masar si ay hashiiskaas u illaaliso, intii uu socday muranka, waxey dalka Itoobiya oo hogaaminaya dalalka ka soo horjeeda hashiiska 1959 si is-xigxiga ugu soo dirtay wafuud gooni gooni ah. Kan hore waxaa hogaaminayey wasiirka Beeraha, Amin Abaza, iyadoo uu garab socday mid uu hogaaminayey Ra'isulwasaaraha Masar, Axmed Nazif, intii u dhaxeysay December-ti tagtay illaa January 2010. Itoobiya ayaa waftigan guddoonsiisay dhul 20,000 hectar ah oo ku yaal deegaanka Canfarta, kaasoo ay Itoobiya deeq ahaan u siiyey ganacsatada dalka Masar inay maalgashato.

Waftigan intii uu joogay Itoobiya waxaa ay labada dal saxiixeen hashiis dhanka ganacsiga ah, waxaana la dhisay Golle Ganacsato oo ka koobanaa ganacsato labada dal u kala dhashay, si meesha looga saaro kala-shakiga, islamarkaana loo abuuro jawi saaxiibtinimo. Meles oo goobti lagu dhisay Gollahan ka hadlayey ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga hadlo gancsiga, damaanadda raashinka, beeraha, warshadaha, oo la iska daayo murankan biyaha Wabiga Nile ee ay labada dhinac waqtiga ku luminayaan. Hase yeeshee masuuliyiinta Masar ee goobta joogtay taas micno badan u meynan sameyn.

Masar ayaa wafti kale, oo ay kamid ahaayeen wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Abul Gheit, iyo wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah, Fayza Abul Naga, bishan July horaanteedii u soo dirtay Addis Ababa. Waxaa xusid mudan intii u dhaxeysay waftigii hore iyo kan danbe inuu Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak, tagay dalka Talyaniga si uu dowladda dalkaas uga dhaadhiciyo inaynan maalgalin biyo xidheenada dhaliya korontada ee laga dhisayo Itoobiya. Dhismaha biya xidheennada Itoobiya ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadaneysa shirkadda Salini Costruttori oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Masar oo isku xirtay Nile iyo Ogaden

Sida ay illo aad ugu dhaw masuuliyiin katirsan dowladda dhexe Itoobiya u sheegeen illo xidhiidh la leh wabishabeele.com, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Axmed Abul Gheit, wuxuu Ra'isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, u sheegay inay dowladda Masar aaminsantahay inay Itoobiya ka danbeyso mucaaraddada ka dhanka ah hashiiskii Ingriiska iyo Masar ee 1959, wuxuuna uga digay Meles inaynan Itoobiya sii ahaaneyn tan maanta, haddeynan Itoobiya si degdeg ah uga bixin arrimaha ay ku jirto.

Waxey illaheena inoo xaqiijiyeen inuu Axmed Abul Gheit ku yiri Meles, "Ogadenya inay kamid ahaato Itoobiya waxaa saxiixay Ingriiska, sidoo kale, Nile inay Masar maamusho waxaa saxiixay Ingriiska. Haddaadan aqoonsan saxiixa Ingriiska ee Nile, ma aqoonsanaan doono kamid ahaanshaha Ogadenya ee Itoobiya."

Murankan oo sii socda ayey hubaal tahay inuu sababi karo dagaal. Xoghayihii Guud ee hore ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali, ayaa kal hore ka digay in dagaalka xiga ee gobolka uu ka dhalan doono biyaha Wabiga Nile. Masar ma cadda inay qorsheyneyso weerar toos ah oo ay Itoobiya ku qaado, laakiin waxaa la qiyaasayaa inay isticmaali doono dalal Itoobiya la daris ah iyo ururro ku kacsan dowladda Itoobiya, si ay u baddasho map-ka Itoobiya ee xiligan.

Wargeysyada Masar oo wajahay Ogaden

Wargeysyada dalka Masar ayaa dhawaan billaabay inay faafiyaan warar ku saabsan Ismaamulka Deegaanka Soomaalida (Ogaden), iyagoo tilmaamaya inay halkaasi ka taagan tahay dhibaatooyin uunan aduunka ka warqabin.

Wargeyska Al-Yowmu Saabic ayaa isbuuci hore sii daayey wareysi uu sheegay inuu ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg), wareysigan ayaa lagu soo bandhigay arrimo badan oo ay kamid yihiin in shacabka qowmiyadda Soomaaliyeed (Ogadenya) ay gumeysato Itoobiya, islamarkaana aanan loo ogoleyn aayo-katashi.

Yuusuf Dheeg oo la hadlayey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa beeniyey inuu hadalka sida loo qoray uu u yiri, waliba wuxuu diiday inuu ka hadlay wax ku saabsan Itoobiya ama deegaanka Soomaalida.

Ra'isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa isbuuci hore wareysi uu siiyey TV-ga dalka Masar (ka daawo qeybta Wabishabeele Videos) u sheegay inay dowladda Masar ka tanaasusho fikirka ah inay Itoobiya ka abuurto degenaansho la'aan, isagoo carabka ku adkeeyey in labada dal isku xirnaantooda aynan si nabba u go'ayn. Meles wuxuu u ballanqaaday shacabka Masar inay Itoobiya tixgalin doonto baahidooda biyaha Wabiga Nile, oo aynan marnaba ku dhaqaaqi doonin tallaabo wax u dhimaysa noloshooda iyo jiritaankooda qarannimo.

Guud ahaan biyaha Wabiga Nile ayaa 85 boqolkiiba waxey ka soo daadaan buuraha dalka Itoobiya. Tirada shacabka Itoobiya oo sare u sii kaceyso ayaa keentay inay dowladda Itoobiya dalbato in dib loogu noqdo hashiiskii Masar iyo Ingriiska ee 1959.

Isku soo duub

Dal kasta oo jira aduunka wuxuu leeyahay dan qaran oo lama huraan ah, taasoo wax kasta laga hormariyo (vital national interest). Masar jiritaankeeda ayaa ku xidhan biyaha Wabiga Nile. Waxaana xaqiiqo ah inay ka dhabeyn doonto hanjabaadeeda ah inay cawaaqib xumo ka dhalan doonto meel-marinta hashiiska CFA, ee ay dhawaan saxiixeen dalalka Itoobiya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda, lana filayo inay dalal kale saxiixaan.

Waxaa dhab ah, inaynan Masar gaadheyn Tanzania, Burundi ama Rwanda si ay u duqeyso, balse waxaa xaqiiqo ah inay cagta ku waaqi karto degenaanshaha Bariga Afrika, iyadoo qiil ka dhiganeysa haddii la qaatay xuduudaha uu Ingriiska sameeyey ee qaaradda Afrika, sida tan Ogaden, in sidoo kale, la qaato saxiixi Ingriiska ee biyaha Wabiga Nile, taasoo haddaanan la yeelin Masar ay iyana aqoonsan doonin xuduudihii uu ka tagay Ingriiska ee qaaradda.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in haddii aanan xal degdeg ah laga gaadhin qilaafka Wabiga Nile, in shacabka deegaanka Soomaalida uu markale bartanka ka gali doono waxuunan shaqo ku laheyn, islamarkaana uunan waxba ka qaban karin, taasoo u dhaxeeysa dalal awood iyo xoog badan ku leh Waqooyi-bari Afrika. Maahmaah Ingriis ah (oonu Af-Soomaali u badalnay) ayaa tiraahda, "markey maroodiyashu hardamaan cowska ayaa rafaada."

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010