| Xoghayaha SSDP oo soo dhaweeyey soo deynta Cabdinuur Sooyaan |
Miami, 21-Jul-2010 - Xoghayaha ururka Nabadda ee Jaaliyaadka Deegaanka Soomaalida (SSDP), mudane Cabdiwahaab Xaashi Furre, oo ku hadlayey magaca SSDP ayaa si weyn u soo dhaweeyey soo deynta mudane Cabdinuur Sooyaan.
Cabdinuur Sooyaan, oo horey uga tirsanaa Guddiga Fulinta ee ururka ONLF, muddana ku xidhnaa xabsi ku yaal magaallada Jigjiga, ayaa shalay ay cafis u fidisay dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii uu codsi uga yimid masuuliyiinta ONLF ee wadahadalka u joogta magaallada Jigjiga.
SSDP ayaa soo deynta Cabdinuur ku tilmaantay billaawga midhihii wadahadalka nabaddeed ee u socda dowladda iyo ururka ONLF.
"Haddaanu nahay masuuliyiintii ururka nabadda ee jaaliyaadka deegaanka waxaanu soo dhaweyneynaa soo deynta Cabdinuur Sooyaan, waxaanu aaminsannahay tani inay caddeyn u tahay sida ay dowladda iyo ONLF, labaduba, uga go'antahay in wixii jiro oo qillaaf ah miiska lagu dhameeyo," ayaa ku qorneyd qoraal uu Xoghayaha SSDP soo gaadhsiiyey wabishabeele.com.
Guud ahaan jaaliyaadka deegaanka ee aduunka dacalladiisa ayaa tan iyo shalay wabishabeele.com soo gaadhsiinayey emaillo ay ku soo dhaweynayaan soo deynta mudane Cabdinuur Sooyaan.
Jaaliyaadka ayaa qoraalladooda ku soo bandhigay baaq ay u direen Cabdinuur, iyagoo ku adkeeyey inuu door wacan ka cayaaro wadahadalka dowladda iyo ururka ONLF.
wabishabeele.com |
|