| Jaaliyaadka deegaanka oo si weyn u soo dhaweeyey soo deynta Cabdinuur Sooyaan & maxaabiisti la xidhneyd |
Washington, 20-Jul-2010 - Qeybta warqabadka ee warsidaha wabishabeele.com ayaa waxaa si xad-dhaaf ah isaga soo daba-dhacaya soo dhaweynta ay jaaliyaadka deegaanka, ee aduunka dacaladiisa, soo dhaweynayaan sii deynta mudane Cabdinuur Sooyaan iyo maxaabiisti la xidhneyd.
Cabdinuur, oo in badan katirsanaa masuuliyiinta ONLF, ayey isaga iyo masuuliyiin kale oo la socotay ay madaxda maamul gobolleedka Puntland kal hore u soo dhiibeen dowladda Itoobiya.
Cabdinuur ayaa intuu xabsiga ku jiray wareysi uu bixiyey ku sheegay inuu isaga baxay fikirkii hore ee ahaa in qori wax lagu raadiyo, islamarkaana amaanay siyaasadda horu-socod ee ka hanaqaaday Itoobiyada cusub.
Maanta ayey dowlad deegaanka Soomaalidu oodda ka qaaday maxaabiis farabadan oo u xidhnaa arrimo siyaasadeed, noocey doonto ha noqotee. Tillaabadan ayaa ah mid si weyn wax uga tari doonta xidhiidhka dowladda iyo shacabka deegaanka, dal iyo dibad. Dowladda cusub ee deegaanka Soomaalida ayey ka go'antahay inay shacabka la yeelato xidhiidh wacan iyo wada-shaqeyn joogto ah.
Xukumadda haatan ayaa u muuqato inay soo afjareyso dhamaan wixii qiil ahaa ee ay isticmaalayeen inta dooneysa inay sii socoto deganaansho la'aanta siyaasadeed ee deegaanka.
Jaaliyaadka, oo guud ahaan aad u soo dhaweeyey sii deynta maxaabiista maanta la sii daayey, ayaa Cabdinuur iyo masuuliyiinta kale ee ONLF ee lala soo daayey ugu baaqay iney qeyb muhiim ah ka cayaaraan isku-dayga nabaddeed ee ka socda deegaanka Soomaalida, islamarkaana cafiska loo fidiyey uga faa'ideeyaan umaddooda.
Jaaliyaadka ayaa aad ula dhacsan siyaasadaha furfuran ee madaxweynaha cusub, mudane Cabdi Maxamud Cumar, tallaabooyinka uu qaadayana waxey sare u sii qaadayaan wada-shaqeynta labada dhinac.
wabishabeele.com |
|