logo
 


 
 
         
Wabishabeele oo ka jawaabay eedeymo loo soo jeediyey
Wabishabeele.com, 20-Jul-2010 - Tan iyo maalintii maamulka iyo shaqaalaha warsidaha wabishabeele.com ay cambaareyn kulul dusha uga tuureen hadalkii ka soo yeeray wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Yusuf Xassan Ibrahim (Yusuf Dheeg), waxaa emaillo xambaarsan dhaliilo iyo eedeymo loo soo dirayey wabishabeele.com.

Emaillada oo aad u badnaa ayaa intooda badan ku eedeyey wabishabeele.com inuu cadow u yahay "shacabka reer Ogadenya," waa sida hadalka loo dhigay, iyadoo tusaalle loo soo qaatay cambaareyntii iyo diidmadii aynu diidnay hadalka ka soo yeeray Yusuf Dheeg.

Yusuf Dheeg ayaa dhamaadki isbuuci tagay wargeys ku baxa luuqadda Carabiga, oo laga leeyahay Bariga Dhexe, u sheegay in shacabka deegaanka Soomaalida (Ogadeen) la gumeysto oo aynan xuquuq ku laheyn dalka Itoobiya.

Guud ahaan, intii inagu eedeysay inaanu lid ku nahay danta umadda waxaanu aaminsannahay inay qaldan-yihiin, sababtoo ah wabishabeele.com waxaa loo furay ayaaba ah ka shaqeynta danta umaddan, iyadoo cidna looga xishooneyn wixii danta umadda ah. Si aanu u caddeyno inaynu inaga saxannahay, islamarkaana kuwa ina eedeynayo ay qaldanyihiin, waa inaynu doodeena sababeynaa.

Waa kuma Yuusuf Dheeg?

Dadkeena waxaa la sheegaa, runtii laguna yaqaanaa, inay-yihiin dad daacad ah, oo shaqsiga iyagoonan gadaal u eegin (critique ku sameyn), ku taageera hadalkii macaan ee uu yiraahdo. Arrintaas oo jabineysa dhamaan xeerarka garashada iyo fahanka suuban.

Anigoo soo koobeyna, culumadii cilmiga falsafadda, ka soo billaaw wadaadadii Immanuel Kant iyo Karl Marx illaa Michel Foucault iyo Alasdair maclntyre, waxey ka sinaayeen inay ku celceliyaan muhiimadda in hadalka dhowr meel laga eego oonan wax kastaa oo aad maqasho iska qaadan su'aal iyo qiimeyn lahaan.

Horta Yusuf Dheeg yuu yahay? Xagguu kasoo jeedaa? Maxey tahay danta uu ka leeyahay inuu maanta yiraahdo Ogadeen waa la gumeystaa? Muxuu sidaas maanta u yiri oo uunan shalay u dhihin? Su'aallahan iyo kuwo kale waa inaad marka hore isweydiisaan intaadan la soo boodin eedeynta jawaabtii maamulka iyo shaqaalaha wabishabeele.com ay ka bixiyeen hadalkii ninkan.

Waxaad intiina badan la socotaan dagaalkii 1977 in lagu beegay xili uu Mengiste qorsheynayey inuu la kulmo waxgaradka gobolkan, si looga wadahadlo aayaha umaddan iyo sidii ismaamul xooggan, oo ay caddeyd xuquuqdiisa, loogu sameyn lahaa umaddan. Sheekadan iyada ah taariikhdeynu u deyneynaa.

Haddan u soo noqono Yusuf Dheeg iyo taageerayaashiisa deegaanka u dhashay ee jabiyey dhamaan xeerarkii culumadi hore. Yusuf Dheeg waa nin Garxajis ah, ahna oday Iidoor. Inagoonan waqti badan iska qaadin, aan dhowr su'aal weydiiyo qolyaha wabishabeele.com eedeeyey oo waliba caayey. Ma dooneyno inaanu walaalaheen Iidoor ku xadgudubno, lakiin si aynu qolyaha mugdiga ku jira uga saarno, waa muhiim inaan xaqiiqda ka hadalno.

Hargeysa imisaa hooyo ayaa habeen guri xigto la gala baxay oo iyagoo indhaha ka xidhan waagu ugu baryey Harar iyo xero ciidan? Waryaa, hilmaan dhawaa ma umulaa? Yusuf intuunan arintan weyn ee Itoobiya iyo Ogadeen u dhaxeysaa galin, haddow daacad-yahay, muu warbaahinta u sheego dhibaatada lagu hayo kuwa abaaraha ka cararay, ee waliba xigto dad ah arxansaday, ee Hargeyso magacan uu sheegayo dartii lagu u-gaarsado?

Somaliland & Puntland maxey ka mideysan-yihiin?

Madaxa maamulka iyo shaqaalaha wabishabeele.com, mudane Cabdi Axmed (Cabdi Jarmal), dhowr jeer buu isku dayey inuu shacabkeena meelo badan wax ka tuso, isagoonan cidna ku xadgudbeynin, laakiin waxey u muuqataa dadka uu la hadlayo kuwo aanan soo jeedin. Waxaa xaqiiqo ah, Cabdi Jarmal tiro dhowr jeer ah inuu xitaa soo jeediyey inuu saxaafadda isaga baxo, kadib markii uu arkay dadkiisii oo u muuqda kuwa aanan soo noqoneyn. Waxaase mahad leh mulkiilayaasha wabishabele.com oo soo jeedinta Cabdi Jarmal diiday, kuna gacanseydhay inuu iscasilo.

Aanu u soo noqono shaqada dhanbta ah ee ina hortaal. Somaliland iyo Puntland, runtii, waxaa hogaamiya dad mudan in loogu hambalyeeyo waxqabadkooda iyo heerka ay maanta marayaan, iyadoonu ognahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira gobolka aynu kaga-yaalno Afrika. Laakiin, waxaa xusid mudan heerka ay maanta Somaliland iyo Puntland marayaan inaynan ku iman bilaash ee ay tahay midhaha siyaasad qoto dheer, kuna fadhida silaca ummad kale.

Qorshe siyaasadeed oo kasta wuxuu leeyahay ujeeddooyin qarsoon. Somaliland iyo Puntland qorshayaashooda siyaasadeed waa inay deganaansha la'aanta Ismaamulka Deegaanka Soomaalida u isticmaalaan danaha siyaasadahooda qaaska ah, kuna illaashadaan nidaamkooda dowliga ah, si ay u xaqiijiyaan jiritaankooda. Taas waxey u baahneysaa in markastaa la dhiirigaliyo (si dadban iyo si toos ahba) degenaansho la'aanta ka jirta deegaanka Soomaalida (Yusuf Dheeg ha laguu soo diro ama Saado Cali).

Maamullada Somaliland iyo Puntland waa kuwa deegaanka soo galiya madaxda iyo ciidamada ONLF ee lagu soo tababaro Asmara iyo hubkooda, islamarkaana Hargeysa iyo Bosaaso ka u-gaarsada hooyada ama wiilka isku-daya iney nolol tan deegaanka dhaanta ka doontaan magaallooyinkan, tani maaha wax qarsoon ama u baahan inaynu qaab cilmiyeysan u eegno.

Fadlan isweydii, caruurta iyo hooyooyinka deegaankan u dhashay maxaa tusay Somaliland iyo Puntland oo aynan u arag Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo Cadaani Hirmooge, aabayaasha ONLF, haddey daacad yihiin? Waxaa xaqiiqo ah inay Somaliland iyo Puntland u baahanyihiin Admiral Maxamed Cumar iyo Cadaani Hirmooge, sababtoo ah jiritaankooda ayaa ku xidhan, waana taas midda hooyooyinka iyo caruurta loo soo dhiibayo, halka aabayaasha ONLF sida wafuud loogu soo dhaweeyo garoommada Hargeysa iyo Boosaaso. Dhinacaas waxaan kaaga tusayaa si aad u fahanto ciyaarta meesha taal.

Waxaa xaqiiqo ah, inay Somaliland iyo Puntland ka mideysan-yihiin siyaasadda ah in shacabka deegaanka Soomaalida la lug-gooyo, oo siduu maanta yahay dadkan isaga jiro waligii, middaasna iyaga eed kuma-laha, sababtoo ah xeerka ciyaartan ayaa ah: inuu deegaan guuleysato waa inuu mid kale daadku qaado. Deegaannada Somaliland iyo Puntland inay nolol sameystaan waa in deegaanka Soomaalida (Ogaden) karkaarka la weydaariyo. Si taas loogu guuleysto waa in la dhiirigaliyo collaadda deegaanka, iyadoo la isticmaallayo farsamooyin kala duwan, dadka deegaankana Itoobiya loo tuso inay yihiin qatar taagan, taasoo iyaga ka dhigeysa waxaanan marnaba laga maarmeynin.

Isku soo duub

Waa la ina eedeeyey, ina caayey, islamarkaana la inagu sheegay inaan dowladda dhexe Itoobiya u shaqeyno. Xaqiiqduse waxey tahay, wabishabeele.com wuxuu u taagan-yahay danta umadda deegaanka Soomaalida. Dhalinyarta qorta, ee waqtigooda galiya wabishabeele.com, shaqsi ama dowlad midna uma shaqeeyaan, mana laha dan gooni ah. Sababta aynu u cambaareynay hadalkii Yusuf Dheeg waxey aheyd, kadib markaanu aragnay waxaynan arag kuwa ina eedeynayo. Taariikh iyo siyaasad beynu xeerinay, meelo fog iyo meelo dhaw baanu wax ka eegnay, waxaa inoo soo baxday Somaliland iyo Puntland siyaasiyiintooda danta kaliya ee ay leeyihiin inay tahay tooda, ayna qalad tahay inay faragaliyaan umaddeena iyo aayahooda. Itoobiya kasii mid noqonaa iyo ka baxnaa, waa howl inaga inoo taal, maaha wiil Hargeysa joogaa ama ku Boosaaso ku nool mid ay shaqo ku leeyihiin.

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010