| Maxaabiis u xidhxidhneyd dhanka siyaasadda oo hadda xabsiga laga sii daayey |
Jigjiga, 20-Jul-2010 - Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa hadda daqiiqado kahor oodda ka qaaday tiro maxaabiis ah oo u xidhxidhneyd dhanka siyaasadda, kuwaasoo ay ku jiraan rag hore xilal uga soo qabtay Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Maxaabiistan oo dhowr qeyb aheyd ayey sii deyntooda qeyb ka tahay siyaasadda furfurnaanta ee madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Qeyb maxaabiistan ah ayaa waxaa kamid ah Xaamoow iyo Jamiil, halka qeybta kale ay kamid yihiin Cabdinuur Sooyaan, Dhiirane Caafi iyo Xaabsa Macalin Cali.
Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa barigi hore lagu eedeyn jiray inay xabsiyadeeda ka buuxaan dad shacab ah, eedeymaha noocaas ah ayaa hadda u muuqdo inay meesha ka baxayaan, kadib markii ay dowladdu qaaday tallaabooyin ay ku sii deyneyso intii badneyd maxaabiista.
Masuuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa bilihii ugu danbeeyey xabsiyada deegaanka ka sii daayey kumanaan maxbuus, kuwaasoo u kala xidhnaa sababo kala gadisan. Sii deyntan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey shacabka deegaanka iyo guud ahaan jaaliyaadka nabadda jecel ee aduunka dacalladiisa.
wabishabelee.com |
|