| Shir ka dhacay Norway oo si weyn loogu soo dhaweeyey hashiisyada dowladda, UWSLF & ONLF |
Oslo, 19-Jul-2010 - Shir si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacay magaallada Oslo ee dalka Norway, ayey jaaliyaadka deegaanka ee dalkaas si buuxda ugu taageereen hashiisyada dhexmaray dowladda, UWSF iyo garabka Gollaha Sare ee ONLF.
Shirkan ayuu gudoomiyha UWSLF, Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen, kaga qeybgalay khadka telephone-ka, isagoo su'aallo badan oo ay waydiiyeen jaaliyaadku si faahfaahsan uga jawaabay.
Gabagabadi shirkan ayey waxgaradkii iyo aqoonyahankii ka soo qeybgalay soo saareen baaq ay ku taageerayaan hashiisyada dowladda, UWSLF iyo garabka Gollaha Sare ee ONLF. Baaqi ayaa u qornaa sidan:
1. Waxey taageero buuxda jaaliyaddu siinaysaa heshiiska dhexmaray dowladda Itoobiya iyo labada urur ee UWSLF iyo ONLF garabka Gollaha Sare
2. Jaaliyaddu waxey ugu baaqaysaa dhamaan dadweynaha ku abtirsada gobolka Soomaaligalbeed/Ogaden, dal iyo dibadba inay garab istaagaan kana faa'iideystaan fursadan nabadeed ee qaaliga ah.
3. Jaaliyaddu waxey ku adkaynaysaa dowladda Itoobiya iyo ururrada heshiiska la galay inay ka dhabeeyaan, islamarkaana daacad ka noqdaan sidii loo hirgalin lahaa nabad waarta oo ka dhalata gobolka.
4. Waxey si gaara jaaliyaddu baaq ugu direysaa aqoonyahanka, maalqabeenka, culumada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka ee ku firidhsan daafaha aduunka inay ku laabtaan dalkii, islamarkaana ugu faa'iideeyaan khibraddooda, aqoontooda iyo maalkoodaba si ay dalka uga abuuraan fursado shaqeed iyo mid aqooneed.
Jaaliyadda Soomaaligalbeed ee Norway |
|