logo
 


 
 
         
Cabdi: Madaxweyne kasta oo iga horeeyey wuxuu ku fiicnaa baan uga dayaneynaa
Jigjiga, 18-Jul-2010 - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamud Cumar, oo la hadlayey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay in madaxweynayaashii isaga ka horeeyey uu mid kastaa kaga dayan doono inta fiican, iska illaalin doono intooda xun.

"Nasiib waxaan u helay inaan kaga faa'ideyso dhinacoodii...kii nabadgalyada ku fiicnaa nabadgalyada ayaanu kaga dayaneynaa, kii horumar ku fiicnaa horumarka ayaanu kaga dayaneynaa, kii shacabka inuu soo jiito ku fiicnaa taas baan kaga dayaneynaa, kii shacabka aan u rooneyn waanu iska illaalineynaa," ayuu yiri Cabdi.

Shacabka deegaanka Soomaalida ayaa labadi sano ee la soo dhaafay aanan helin hogaamin suuban, taasoo ay sabab u aheyd masuuliyiinti ugu sarsareysay ee xiligaas oo dantooda qaaska ah ka hormarisay tii umadda. Masuuliyiintan ayaanan wax xidhiidh ah la laheyn noocyada bulshada, markii laga reebo koox yar oo daneysato ah, kuwaasoo ka horgeeyey umadda inteedi kale.

Dhanka kale, Cabdi wuxuu tilmaamay muhiimadda nabadgalyada, isagoo carabka ku adkeeyey inay nabadgalyadu tahay waxa ugu horeeya ee laga sugayo xukumadda uu soo dhisi doono, isagoo intaa raaciyey in nabadgalyada aad looga shaqeeyey sanaddadii danbe.

"Amniga waa qodobka ugu horeeya ee dunida oo dhan u yaala...Nabadgalyo markii la hello ayaa horumar la gaadhaa. Marka wey kala horeeyaan... Sidii taam looga dhigi lahaa nabadgalyada, si horumar loo gaadho. Waad ogsoon-tahay, deegaanka Soomaalida sanaddihii la soo dhaafay...wax ballaadhan baa laga qabtay dhanka nabadgalyada," ayuu yiri Cabdi

Cabdi ayaa intii uu ahaa Hogaanka Nabadgalyada dowlad deegaanka Soomaalida wax badan ka qabtay arrimaha nabadgalyada, isagoo noqday masuulkii ugu horeeyey ee si daacad ah u wajaha arrimaha amaanka deegaanka.

Cabdi waxaa kale oo uu sheegay inay dowladdiisa wadi doonto wadahadalka ay kula jirto ururrada nabadda qaatay, si looga wada-shaqeeyo danta umadda iyo horumarka deegaanka.

"Inaanu sii xoojino wadahadallada socda. Dadkii shalay aanu xabadda isu-heysanay, maanta hal meel baanu ka soo wada-jeednaa. Ururka UWSLF baa ka kow ah oo ay xafladdii ugu danbeysay ka dhici doonto Addis Ababa. Waxaa ku xiga ururka ONLF oo isagana hadda nabaddii ama dastuurkii Itoobiya qaatay, markii laga reebo saddex ama afar nin oo qowleysato ah, calooshood u shaqeystayaal, dadka aanan rabin horumarka deegaanka Soomaalida, eenan danna ka laheyn shacabka deegaanka Soomaalida," ayuu yiri Cabdi.

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010