logo
 


 
 
         
Jaaliyaadka taageera dowladda oo la ogaysiinayo inay ka soo qeybgalaan banaanbax ka dhan ah siyaasadaha Masar ee Nile
Washington, 29-Jul-2010 - Guud ahaan jaaliyaadka taageera dowladda Itoobiya ee ku sugan dalka Mareykanka waxaa loogu baaqayaa inay ka soo qeybgalaan banaanbax ballaadhan oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha Masar ee biyaha Wabiga Nile, laguna taageerayo isku-dayga dowladda ee dhanka horumarka.

Banaanbaxan oo ay isku soo dubariday dowladda, oo kaashaneysa ururrada qurbajooga dalka, oo ay ugu horeyso Ethio-Americans ADHOC for Democracy, ayaa waxaa lagu hormari doonaa Aqalka Cad iyo wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Banaanbaxayaashu waxaa looga baahanyahay inay muujiyaan taageerada ay u hayaan sida ay dowladda dhexe Itoobiya uga go'antahay ka hortaga faqriga, la dagaalanka argagixisada, dhaqangalinta siyaasadaha horumarka, iyo xaqa ay u leedahay isticmaalka biyaha Wabiga Nile, iyadoonan fasax ka qaadaneyn dowladda Masar.

Masar ayaa dhawaan bixisay hanjabaado hoose iyo kuwo caam ah oo ay ku dooneyso inay kaga hortagto dib u eegista hashiiskii biyaha Nile ee iyada iyo Ingriiska dhexmaray 1959. Hashiiskaas ayaa xaq u siinayey dalka Masar in isaga looga danbeeyo isticmaalka biyaha Wabiga Nile.

Masar ayaa looga cabsanayaa inay xasilooni daro dheeri ah ka abuurto gobolka haddaanan la raacin qorshayaasha ay iyadu soo jeedisay, islamarkaana looga danbeyn isticmaalka biyaha Nile.

Warsidaha wabishabeele.com ayaa dhawaan soo bandhigay qoraal faallo ah oo ka digaya in haddaanan arrinta Wabiga Nile si degdeg ah xal loogu helin ay iman doonto dhibaato saameyn weyn ku yeelata Ismaamulka Deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan gobolka (halkan riix si aad u aqrisato qoraalkaas).

Biyaha Wabiga Nile ayaa boqolkiiba 85 kasoo daada buuraha dalka Itoobiya. Itoobiya ayaa waxaa ragaadiyey abaaro iyo faqri isa soo taraya, waxeyna dowladda ku qasban tahay isticmaalka biyaha Nile, si looga hortago abaaraha iyo gaajada baahsan.

Banaanbaxan oo ah mid nabaddeed, waxaa banaanbaxayaasha loogu baaqayaa inay isugu yimaadaan Lafayette Park, oo ka soo horjeeda Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, saacadu markey tahay 9:00 AM, maalinta Khamiista, bisha August 5, 2010.

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 
 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010