logo
 


 
 
         
Itoobiya & UWSLF oo saxiixay hashiis kama danbeys ah
Addis Ababa, 29-Jul-2010 - Waxey dowladda dhexe Itoobiya iyo ururka UWSLF maanta barqadi qalinka ku duugeen hashiis kama danbeys ah, kaasoo soo afjaraya collaaddii dhowr iyo tobanka sano u dhaxeysay labada dhinac.

Xafladdi saxiixa hashiiskan, oo aheyd mid caalami ah, ayaa waxaa ka soo qeybgalay safiiro, suxufiiyin, qurbajoog, iyo wafuud ka timid dalalka dariska, oo ay kamid ahaayeen madax reer Puntland.

Xafladda ayaa waxaa qodbado dhaadheer, oo ka hadlaya hashiiskan taariikhiga ah, ka jeediyey madax ka socotay dowladda dhexe, masuuliyiin UWSLF ah iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamud Cumar.

Hashiiskan ayaa waxaa aad ula dhacsan shacabka deegaanka Soomaalida, dal iyo dibad, waxeyna ku hanweyn yihiin inuu isbadal wacan u horseedo noloshooda iyo aayaha mustaqbalkooda.

Deegaanka Soomaalida ayey sanado badan ka taagnaayeen collaado u dhaxeeya dowladda dhexe iyo jabhado diidan kasii mid ahaanshaha dalka Itoobiya, collaadahan ayaa sababay dib u dhac iyo rafaad badan oo la soo darsay shacabka.

Dowladda dhexe Itoobiya ayaa la filayaa inay dhankeeda la timaado furfurnaan iyo isbadal dhaxalgal ah, si shacabku u gurto midhaha hashiiska maanta, islamarkaana u noqdo hashiiskan mid micno leh oo waara.

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 
 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010