| Maamulka & macalimiinta Godey ATVET College oo la dhaliilay |
Godey, 26-Jul-2010 - Iyadoo jaamacadaha iyo College-yada guud ahaan Itoobiya ay ku jiraan dabaaldegyada xafladaha qalinjabinta ardeyda dhameysatay waxbarashada ee la guddoonsiiynayo shahaadooyinka, ayey waaridiin ay caruurtoodu dhigato Machadka Tababarka Farsamada & Cilmiga Beeraha Godey (Godey ATVET College), oo la soo xidhiidhay wabishabeele.com ay aad u dhaliileen maamulka iyo macalimiinta Godey ATVET College.
Waaridiintan ayaa wabishabeele.com u sheegtay, in iyadoo markii horeba tirada ardeyda kasoo qalinjabisa sanad kasta Godey ATVET College ay aad u hooseysay, markii loo eego college-yada noocan ah ee ku yaallo deegaannada kale Itoobiya, ayaa haddane ardeyda kasoo baxda Godey ATVET College uu aad u hooseeyaa dhibcaha ay ku soo gudbaan (GPA).
Wariye katirsan wabishabeele.com oo u kuurgalay sababta keentay dhibcaha hoose ee ardeyda, isagoo wareysiyo kala duwan la yeeshay ardey hore iyo kuwo hadda dhigta Godey ATVET College, ayaa arrintan ku micneeyey inay sabab u tahay macalimiinta wax ka dhigta college-ka oo intoodaba badan aynan waxbarashadooda dhaafsiisneyn heer Diploma.
Sidoo kale, wuxuu wariyaheena xaqiijiyey in masuuliyiinta Godey ATVET College ay intooda badan yihiin kuwo ay aqoontoodu dhaafsiisneyn dugsi sare, taasoo sharciyan qalad ah, kana hor imaneysa xeerka maamulka waxbarashada sare ee dalka, iyo kan hay'adaha caalamiga ah ee taageera college-yada iyo jaamacadaha dalka.
Godey ATVET College
Tan iyo markii ay dowladda haatan, ee uu garwadeenka ka yahay xisbiga EPRDF, hogaanka dalka qabatay waxey xooga saartay sare u qaadidda aqoonta, si loo soo saaro dad xirfad leh. Si ay taas u suurogasho, dowladda dhexe waxey deegaan kasta ka dhistay machadyo farsamo, oo intooda badan ah nooca afka qalaad lagu soo gaabiyo TVET, halka deegaannada qaar, siiba kuwa leh dhulbeereedka, loo dhisay ATVET, oo ay aqoonta farsamadu u wehliso cilmiga beeraha.
Godey ATVET College waxey leedahay campus weyn iyo dhismo ballaadhan oo ka kooban xafiisyo, qolol waxbarasho, library iyo qeyb ay degan yihiin shaqaalaha. Waxaa lagu bartaa cilmi farsamo iyo mid beero, oo ay ugu weyn yihiin cilmiga xoolaha, maamulka qeyraadka dabiiciga ah iyo cilmiga dhirta, waax kastana waxey leedahay laboratories lagu qaato tababarka gacanta,
Godey ATVET College waxey bixisa shahaadada Diploma, waxeyna qeyb ka tahay ATVET Colleges-ka deegaanno badan oo katirsan dalka laga hirgaliyey. Nasiibdarada ku habsatay Godey ATVET College ayaa sabab u ah iyadoonan helin maamul iyo macalimiin leh aqoon hufan, kuwaasoo ardeyda ay soo saarayaan awood u siiya inay la tartamaan ardeyda kale ee dalka. Sanadki oo dhan waxaa suurogal ah inay Godey ATVET College ay ka qalinjabiso wax ka yar 50 arday, halka Adama TVET College, oo ku yaal deegaanka Oromiya, ay ka qalinjabiso 2000 oo arday, ama Bahardar TVET College, oo ku yaal deegaanka Amxaarada ay ka qalinjabiso ku dhawaad 3000 oo ardey.
Dhibaatooyinka kale ee Godey ATVET College heystaa waxey yihiin dhibcaha hoose ee ardeyda qalinjabineysa. Dhibcaha hoose ee ardeydan waxey keentaa inay ku adkaato helista fursad ay waxbarashada (heer Bachelor Degree) kaga sii wataan jaamacadaha waaweyn ee dalka, maadaama dhibcaha ay wataan ay aad u hooseeyaan.
Maxaa tallo ah?
Godey ATVET College waxey u baahantahay in dib u habeyn (reform) degdeg ah lagu sameeyo. Waxaa laga ma'maarmaan ah:
1- In dib loo eego/sare loo qaado aqoonta macalimiinta iyo maamulka machadka.
2- In meesha laga saaro macalimiinta ama xubnaha maamulka ee ay aqoontoodu ka hooseyso ugu yaraan heerka Bachelor Degree.
3- In la sameeyo barnaamij ka caawiya ardeyda liidata maadooyinka qaar, waqtiga aynan duruusta laheyn (after school turoring).
4- In macalimiinta shaqadooda intii loo baahnaa ka badan qabata la siiyo abaalmarino lacageed (merit pay).
5- In waxbarashada Godey ATVET College loo ogollaado dadka waaweyn ee aanan fursad waxbarasho horey u helin, waana inay bixisaa waxbarasho toos ah iyo mid aanan toos aheyn, mid bulsho iyo mid qaas ah oo qofka iskiis u yimid uu jeebkiisa kala baxi.
6- In waxbarashada Godey ATVET College lagu saleeyo baahida qaaska ah ee deegaanka Soomaalida.
Aduunka isku soo dhawaanaya (globalization), aaladda casriga ah, iyo kobcinta dhaqaalaha Ismaamulka Deegaanka Soomaalida, waxey u baahan yihiin dhalinyaro si fiican loo diyaariyey oo loo idleeyey xirfadaha shaqo ee laga ma'maarmaanka u ah deegaankan, si uu ula tartamo deegaannada kale ee Itoobiya. Iyadoo taas laga duulayo, waa in dib loo eegaa maamulka iyo macalimiinta Godey ATVET College.
wabishabeele.com |
|