| Garabka dagaalka wada ee ONLF oo soo xidhay iridi nabadda |
London, 26-Jul-2010 - Gudoomiyaha garabka wali dagaalka wada ee ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan, ayaa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC u sheegay inuunan garabkiisa gali doonin wax wadahadal ama nabad ah.
Admiral Maxamed Cumar, oo uu hadalkiisa ka muuqday xanaaq iyo caro badan, ayaa BBC-da u sheegay inuunan hadda arkin wax ku qasbaya hashiis iyo inuu raadiyo nabad.
Maxamed Cumar ayaa ku adkeystay inuu islaheysto ciidan xoogan, siyaasaddii dibadda iyo shacabki, sidaasi darteedna, uunan maanta nabad diyaar u aheyn. "Saddexdaa arrimood, ciidamadi, iyo siyaasaddi dibadda, iyo shacabki, saddexdaaba haddaan hayo, maxaa igagalay wadahadal iyo wax yaalahaa iyo nabad?" ayuu yiri, isagoo dhowr jeer ku celceliyey "nabad ma dooneyno."
In badan oo dhageysatay wareysiga Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo la soo xiriirtay wabishabeele.com ayaa ku tilmaatay hadalkiisa mid la yaab leh, iyagoo sheegay inay aad iyo aad uga xunyihiin in maanta oo ay nabaddii bidhaameyso gurbaan collaadeed lagu dul garaaco.
Shacabka deegaanka Soomaalida, oo ay soo kareen dhibaatooyinka collaadda, ayaa u ooman nabad iyo xasilooni, mana laga dhaadhicin karo collaad iyo xabad noocey doonto ha noqotee.
Hadalka Maxamed Cumar ayey ka maqneyd dhamaan wax kasta oo la xeeriyo siyaasadda maanta, waxaana ka muuqday daal badan, iyadoo laga dareemeyey wareer dhanka siyaasadda ah.
Ciyaarta diplomacy-yadda caalamiga ah meela kaga ma jirto in warbaahin caalami ah laga dhaho "nabad ma dooneyno," xitaa haddaadan nabadda dooneyn. Arrintaas waxey ku tusineysaa wareerka ka jira gudaha garabka wali dagaalka wada ee ONLF, iyo sida ay uga dhacsan yihiin shaxda siyaasadeed ee muhiimka ah ee afka qalaad lagu yiraahdo "strategy game."
Shacabka deegaanka Soomaalida ayaa arka fursad ballaadhan oo ay dalka Itoobiya kaga heli karaan xuquuqdooda si nabadgalyo ah. Dastuurka Itoobiyada maanta ayaa qeexaya xuquuqda deegaan kasta iyo qowmiyad kasta.
wabishabeele.com |
|