| Axmed Nashaad oo u mahadceliyey cidkasta oo door ku laheyd soo deynta maxaabiista heer federal, baaqna u diray garabka ONLF ee aan nabadda qaadan |
Addis Ababa, 25-Jul-2010 - Qoraal dheer oo la soo gaadhsiiyey warsidaha wabishabeele.com ayuu gudoomiyaha Gollaha Shuurada, ahna madaxa wada-hadalka UWSLF iyo dowladda, mudane Axmed Cabdinaasir (Axmed Nashaad), mahad ballaadhan ugu jeediyey dhamaan intii doorka ka cayaartay soo deynta maxaabiista heer federal ee shalay laga sii daayey xabsiyada Addis Ababa iyo Dirdhaba.
"Anigoo ku hadlaya magaca Gudigii wada-hadalka UWSLF, magaca Guddoomiyaha ururka, magaca ururka iyo keygaba, waxaan marka hore u mahadcelinayaa Alle oo suuragaliyey sii deynta walaalaha, kadib, waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay arrintan, dowladda dhexe, Guddiga Amniga Qaranka Federalka oo arrintan qalinka ku duugay, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamud Cumar, Guddoomiyaha xisbiga SPDP, mudane Cabdifitaax Sheekh Cabdullahi, iyo madaxa xafiiska xabsiyada, mudane Nuur Shaafi Maxamed," ayuu yiri Axmed Nashaad.
Dowladda dhexe Itoobiya ayaa shalay sii deysay todobo maxbuus oo heer federal ah, kuwaasoo ku kala xukunaa dil iyo cimrigaa ha'ku furto.
"Waxaa farxad weyn ii ah inaan dhamaan shacabkeena ugu bishaareeyo sii deynta intii badneyd walaalaha ku xidhnaa xabsiyada Addis Ababa iyo Diridhaba, kuwaasoo maanta saacaddu markey aheyd 2:00pm xoriyaddoodii helay," ayuu yiri Axmed Nashaad.
Axmed Nashaad ayaa tilmaamay in UWSLF waligeedba ay ku taami jirtay soo deynta maxaabiistan, isagoo sheegay inay 14-ki sano ee ay xirnaayeen maxaabiistan uu ururku dabooli jiray "inta awoodiisa ah" kharashka ku baxeyey iyaga, ilmahooda iyo qareenadi u doodayey.
"Waxaan halkan ka caddeynayaa in arrinta sii deynta maanta ee walaalahan ay aheyd qodobkii oogu adkaa wareegyadii wada-hadalka ee labada dhinac, dowladda iyo UWSLF," ayuu yiri Axmed Nashaad.
Axmed Nashaad ayaa carabka ku adkeeyey in hashiiska labada dhinac uunan micno badan yeelan laheyn haddii haddii aanan la sii deyn maxaabiistan.
"Arrinta walaalada iyo sidii ay xoriyaddooda u heli lahaayeen waxey aheyd arrin aad iyo aad u dhib badan xagga damiirka, waxaana xaqiiqo ah in uusan dhadhan yeesheen heshiiska nabaddeed ee la gaadhay illaa la sii daayo maxaabiista," ayuu hoosta ka xariiqay Axmed Nashaad.
Axmed Nashaad ayaa u mahadceliyey dowladda dhexe, tan deegaanka iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay soo deynta maxaabiistan.
Dhanka kale, Axmed Nashaad wuxuu baaq u diray garabka ONLF ee aanan qaadan nabadda, isagoo u soo jeediyey inay nabadda qaataan, iyagoo tixgalinaya baahida shacabkooda.
"Waxaan halkan baaq bini'aadanimo ugu soo jeedinayaa walaalaha masuuliyiinta ONLF ee ku nool dalalka reer Galbeedka, garabka aanan nabadda qaadan, inuu il naxariis leh oo bini'aadannimo ku eego xaaladda naxdinta leh eee uu ku sugan yahay shacabkeena iyo qiimeeyaanna rafaadka heysta maxaabiista ONLF, kuna soo dhawaadaan miiska wadahadalka," ayuu yiri Axmed Nashaad.
Maxaabiista shalay laga sii daayey jeelasha Addis Ababa iyo Dirdhaba ayey magacyadooda iyo magaallooyinka ay ka soo kala jeedaan yihiin:
1-Maxamed Xassan Maxamud .......... (Godey) 2-Maxamed Axmed Cabdullahi ........ (Godey) 3-Ibraahiim Xassan Naaleeye .......... (Qalaafe) 4-Maxammed Maxamuud Faarax ..... (Wardheer) 5-Muuse Cabdullaahi Xassan ........... (Wardheer) 6-Maxamed Cilmi Liibaan ............... (Dooloow) 7-Cismaan Axmed Yuusuf .............. (Dirdhaba)
Maxaabiistan, oo dhamaantoodba katirsan ururka UWSLF, ayey intooda badan xabsiyada heer federal ku jireen dhowr iyo toban sano. Sii deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah wadahadalka nabaddeed ee u socda dowladda dhexe iyo ururka UWSLF.
wabishabeele.com |
|